Everton ayaa 3-2 kaga badisay Tottenham, taasoo ka dhigan guushii ugu horeysay ee David Moyes ka dib markii uu ku soo laabtay shaqada kooxda.
Brighton and Hove Albion ayaa 3-1 uga badisay Manchester United garoonka Old Trafford, iyadoo qalad uu sameeyay goolhaye André Onana uu qeyb ka qaatay guuldarada.
Kooxda Nottingham Forest ayaa bar-baro la gashay kooxda Arsenal kadib markii ay 3/2 uga badisay kooxda Southampton.
Haweenka Super League:
Haweenka Arsenal ayaa u dabaaldegay magacaabista Renee Slegers oo loo magacaabay tababaraha joogtada ah ka dib markii ay 5-0 kaga badiyeen haweenka Crystal Palace.
Gabdhaha Chelsea ayaa 5-0 ku garaacay Gabdhaha West Ham.
Bundesliga:
Ciyaartoyga kooxda Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz ayaa laba gool dhaliyay ciyaartii ay kooxdiisu 3-1 kaga badiyeen Borussia Mönchengladbach, iyagoo sii dheeraystay hogaanka horyaalka.
La Liga:
Real Madrid ayaa halkeeda ka sii wada hogaanka horyaalka kadib markii ay 4-1 ku garaacday kooxda Las Palmas.
Bedelka iyo Dhaawacyada:
William Saliba oo ka tirsan Arsenal ayaa qarka u saaran inuu dhaawac ku seego, taasoo su’aal kale ka dhalisay daafaca kooxda.
Real Betis ayaa ku dhow inay dhamaystirto heshiiska amaahda ah ee ay kula soo wareegayso weeraryahanka Manchester United Antony.